Similar Songs
Credits
PERFORMING ARTISTS
Khadar Keeyow
Performer
Xamse Xadari
Performer
COMPOSITION & LYRICS
Khadar Keeyow
Songwriter
Xamse Xadari
Songwriter
Lyrics
Walow aan soo rafaadnay
Dadaalna usoo ruclaynay
Riyada la inoo rumeeyay
Hankiyo rajada dhaboway
Rabaa mahadeeda yeeshay
Walow aan soo rafaadnay
Dadaalna usoo ruclaynay
Riyada la inoo rumeeyay
Hankiyo rajada dhaboway
Rabaa mahadeeda yeeshay
Naftiyo ruuxdaan wadaagney
Rutnii nacab uu ku daalay
Raxmaay qalbigii ku raacay
Ma raysan markaad ka dhooftay
Ma raysan markaad ka dhooftay
Naftiyo ruuxdaan wadaagney
Rutnii nacab uu ku daalay
Raxmaay qalbigii ku raacay
Ma raysan markaad ka dhooftay
Ma raysan markaad ka dhooftay
Ra'yiga labadii mideeyay
Rasmi'na isku jecel is dooney
Sideenana wada riyaaqay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Sideenana wada riyaaqay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Walow aan soo raxlaynay
Cidloonon soo rogaadney
Si roon goortaan rafiiqnay
Dhibtiyo rarankii na daayay
Adaa raaliya idleeyay
Walow aan soo raxlaynay
Cidloonon soo rogaadney
Si roon goortaan rafiiqnay
Dhibtiyo rarankii na daayay
Adaa raaliya idleeyay
Waxaan raad caashaq reebay
Sidaan isku raadinaynay
Qoyskiyo reerkaynu taagney
Raxmada ubadbaa ku biiray
Raxmada ubadbaa ku biiray
Waxaan raad caashaq reebay
Sidaan isku raadinaynay
Qoyskiyo reerkaynu taagney
Raxmada ubadbaa ku biiray
Raxmada ubadbaa ku biiray
Ra'yiga labadii mideeyay
Rasmi'na isku jecel is dooney
Sideenana wada riyaaqay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Sideenana wada riyaaqay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Sideenana wada riyaaqay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
Ayaan rug barwaaqo yeeshay
END
Lyrics powered by www.musixmatch.com